Waxaa xirmay xarumahaa lagu iibiyo Shidaalka ee ku yaalla magaalada Wajeer ee dhulka NFD, sababo ku aaddan amni darrada ka jirta magaaladaas.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa magaalada Wajeer ka taagnaa amnri darro baahsan oo saameysay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada.
Dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac ayaaa waxa ay mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayeen magaalada Gaarisa, kuwaas oo ay geysanayaan ciidamo katirsan Dowladda Kenya iyo kooxo burcad ah.
Ganacsatada iibisa Shidaalka ayaa waxa ay xireen dhammaan xarumihii ganacsi ee ku yiillay magaalada, iyagoona sheegay iney xirnaan doonaan illaa uu wax iska badalo amniga magaalada.