Kooxda xuutiyiinta ee la magac baxday Ansarullaah ayaa sheegtay, in duqaymo ay gaysteen diyaaraha Maraykanka lala beegsaday goballo kala duwan oo ka tirsan dalka Yaman, kuwaas oo burburiyay dhismayaal la daganaa iyo xarumo ay lahaayeen Xuutiyiinta oo ku kala yaalla afar gobol oo katirsan dalkaas.
Ilo wareedyo maxali ah ayaa tilmaamay, in duqeymo dhanka cirka ah lagu garaacay fariisimaha kooxda ee degmada Xawak ee gobalka Xudeydah, kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan, walow aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda kasoo gaaray weerarkaas.
Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in magaalada caasimadda ah ee Sanca ay ka dhaceen duqeymo isdaba joog ah oo aan tiradooda la cayimin, illo goob-joog ah oo ku sugan magaaladaas ayaana xaqiijiyay in 4 weerar oo dhanka cirka ah lagu garaacay bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee kuyaalla xaafadda Nahda iyo xerada ciidanka ee ku taalla waqooyi-galbeed magaalada Sanca, waxaa sidoo kale duqayn lala beegsaday xarunta dhexe ee ciidamada oo ku taalla xerada Sawaad ee koonfurta caasimadda.
Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeymo aan hore loo arag ku qaaday xarumaha Xuutiyiinta iyo saldhigyada ay ku leeyihiin deegaannada ku xeeran caasimadda Yaman, sida laga soo xigtay warbaahinta Xuuthiyiinta, weeraradan waxaa ka mid ahaa duqaymo xiriir ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla degmada Banii-madar ee galbeedka caasimada, iyo talisyo kale oo ku yaalla degmada Xamdaan ee dhanka waqooyi kaga beegan caasimada.
Geesta kale, wasaaradda difaaca ee Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartay shalay Arbacadii ku sheegtay in diiyaradahooda oo garabsanaya kuwa Maraykanka ay weerarro saf balaaran ah ku qaadeen goobaha ay kooxda Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yaman, kaas oo ay sheegeen inay kaga hor tagayaan weerarada ay kooxdu ku beegsanayso maraakiibta reer galbeedka ee mara bade cas.
Weeraradan ayaa dhacay kaddib markii shalay Arbacadii ay kooxda Xuutuyiinta ku dhawaaqday inay beegsatay Markab diyaradaha xambaara oo laga leeyahay Maraykanka, kaas oo ku sugnaa badda cas, hawgalkan ayaana lagu xaqiijiayay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka kooxda Yaxya Sariic.