Saturday, April 26, 2025
HomeAll NewsXasan Sheekh oo Fashilka Shirkii Kampala Kadib Usafraya Dalka Ciraaq.

Xasan Sheekh oo Fashilka Shirkii Kampala Kadib Usafraya Dalka Ciraaq.

Maalmo kahor waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadd Soomaaliya soo gaaray wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Ciraaq, kaasoo Xasan Sheekh ukeenay waraqad sheegeysa inusoo ka qeyb galo shir ay qabsanayaan wadamada Carabta oo ka dhacaya magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq.

Kadib warqadaasi Xasan wuxuu gaaray magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda, halkaasi oo uu uga qeyb galay shir looga hadlayay duulaanka fadhiidka noqday ee ciidamada shisheeye ee kusoo qaadeen Soomaaliya, kaasoo fashil kusoo dhamaaday walina dhaqaalihiisii la raadinayo.

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa kadib dhamaanshihii shirkii Kampala ayaa wuxuu ku madlan yahay inuu gaaro dalka Ciraaq, Xasan ayaa ku wareersan sidii uu taageeri ugu heli ahaa dowladda uu hogaamiyo, waana sababta keeneysa inuu meel waliba gacanta geliyo xittaa haddii uusan waxba ka heleyn.

Halkaan ka Degso Warka Safarka Xasan Sheekh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.