Tuesday, May 20, 2025
HomeAll NewsXasan Sheekh oo Isagoo Murugeysan Booqday Askartii Lagu Soo Dhaawacay Duleedka Moqokori.

Xasan Sheekh oo Isagoo Murugeysan Booqday Askartii Lagu Soo Dhaawacay Duleedka Moqokori.

Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho ku booqday, qaar kamid kamid ah askartii Dowladda Fedaraalka ee kusoo dhaawacmay dagaallada maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.

Xasan oo ay murugo badani ma muuqato ayaa waxa uu tagay isbitaal Martiini ee hoostaga Dowladda Fedaraalka, halkaas oo la geeyay dhaawacyo badan oo kamid ah ciiwankii kusoo naafoobay dagaalladii duleedka Moqokori.

Ciidanka uu Xasan booqday ayaa waxaa ku jira qaar badan oo ay xaaladoodu culus tahay, waxaana sawirrada laga soo qaaday ay muujinayaan in xittaa ay miyir daboolan yihiin oo aysan indhaha kala qaadi karin.

War Mubaarak Cumar Iyo Xasan Sheq

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.