Qoysas ku nool Xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay, dhulboob ay ku hayaan Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo xubno ganacsato sheeganaya.
Qoysaskan oo ku dhaqan xaafadda Siinaay ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa cabasho kamuujiyay xubno ay wataan madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo qoyskiisa, kuwaasoo ay sheegeen iney dhulboob ku hayaan kuna wargeliyeen iney ka guuraan guryahooda.
Waxay xueen iney wataan xubnahan ganacsatadaha ah warqado uu soo saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud.