Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsXasan Sheekh oo Lagu Wado Inuu Turkiga kula Kulmo Abiy Axmad.

Xasan Sheekh oo Lagu Wado Inuu Turkiga kula Kulmo Abiy Axmad.

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa lagu wadaa inuu magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmo ras’iisuwasaaraha Itoobiya Abiy Axmad.

Kulankan dhexmaridoona Aiy Axmad iyo Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Xasan Sheekh uu codsi udirsaday madaxweynaha Turkiga, isagoo ka dalbanaya inuu la kulansiiyo Aiy Axmad.

xog hoose oo loo soo dusiyay saxaafadda lagana soo xigtay Diblumaasi reer galbeed ah ayaa sheegeysa, in Xasan Sheekh uu ka tanaasulay go’aankii uu horay uqaatay ee u muuqday markii hore mid xiriirka loogu jaray dowladda Itoobiya.

Waxaa waxay xogta la helayo tilmaameysaa in Xasan xilligan uu go’aankiisu ka jicilsan yahay kii hore, waxaana taasi dadaal u ah hadal laga soo xigtay mas’uuliyiin itoobiyaan ah oo ay ku sheegeen, in madaxweynaha Dowladda Fedaraalka uu muddo labo bilood kahor ah codsi ku dirsaday xukuumadda Abiy hase ahaatee sidii looga aamusnaa haatan loosoo jawaabay.

Madaxtooyada looga arrimiyo Dowladda Fedaraalka ayaa saxaafadda si hoose ugu sheegtay iney tebiyaan, warka ah in Xasan Sheekh uu casuumaad ka helay madaxweynaha Turkiga, balse warkaasi markii uu soo baxay wuxuu dhaliyay hadal heyn weyn, waxaana la ogaaday sababta dhabta ah ee ka dambeysa safarkiisa.

Xasan Sheekh ayaa noqonaya mid buriyay hadalkii uu horay usheegay ee ahaa inuusan Abiy Axmad la kulmidoonin illaa uu ka laabto is-afgaradkii xaaraanta ahaa ee uu horay ula galay Muuse Biixi madaxweynihii hore ee maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana haatan muuqaneysa inuu isbedelay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.