Monday, June 23, 2025
HomeAll NewsXasan Sheekh oo Markale Gacmo Hoorsi Ugu Tagay Yuweri Museveni.

Xasan Sheekh oo Markale Gacmo Hoorsi Ugu Tagay Yuweri Museveni.[DHAGEYSO]

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa u safray dalka Uganda, isagoo magaalada caasimadda ah ee Kampla kula kulmay Yuwer Museveni oo ah madaxweynaha dalka Uganda.

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid kooban, wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud kaga hadlay dagaalka ka socda Soomaaliya ee uu kula jiro Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo sheegay in loo baahanyahay taageerada Shisheeyaha.

Inkastoo aan si faafaahsan loo helin waxay labada dhinac isla afgarteen, hadana safarka Xasan Sheekh Maxamuud uu kutagay dalka Uganda, ayaa kamid ah safarro xiriir ah waayadii u dambeysay, oo uu Xasan Sheekh Maxamuud ku raadinayo ciidamo Afrikaan ah oo ka qeybgala dagaalka ka socda Soomaaliya, kaasoo ay Shisheeyuhu ku daaleen.

Inkastoo dowladda Uganda ay qeyb ka tahay duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, hadana wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud ka doonayaa Yuweri Museveni inuu ku cadaadiyo dowladaha reer galbeedka sidii meel loo saari lahaa taakulada dhaqaale ee ciidamada Shisheeyaha AUSSOM, taasoo aan weli gacan lagu heynin.

Bishii dhamaatay ee January ayuu billowday magac bedelka loo sameeyay duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, illaa iyo hadana majirto wax isbedel ah oo ku yimid duullaankooda, reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykankana waxay diidanyihiin iney dhiibaan dhaqaalaha rasmiga ee duullanaka.

Halkaan ka Degso Warka Safarka Xasan Sheekh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.