Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa muujiyay walwalka ay ku heyso inuu ku baxo gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Isagoo ciidamo kula hadlayay deegaanno katirsan Shabeellaha Dhexe maalmo kadib markii uu ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo, ayuu sheegay Xasan Sheekh in waqtigiisu uu qoranyahay, ajashiisa kahorna aanu dhiman doonin, wuxuuna yiri Shabaab ima dili karaan.