Muddo sanad iyo 25 cisho ah ayaa ka harsan dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, xilli dowladiisu ay la daalaa dhacayso guuldarrooyin isdaba joog ah oo ka soo gaaray furumaha dagaalka ee gobollada Shabeellaha Hoose,Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Barnaamijka Dhuuxa waxaa caawa ku baxay warbixin dhameystiran oo sawir guud ka bixinaysa xaaladda cakiran ee ay ku sugan yihiin Dowladda Federaalka ,maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamadooda oo qulqulkoodu laga dareemayo Galgaduud iyo Mudug iyagoo Muqdisho ku socda.