Shirkan oo ah mid sanadle ah, islamarkaana lagu qabtay magaalada Antalya ee ku taalla Koonfurta dalka Turkiga, ayaa Xasan Sheekh waxaa ku casuumay, xukuumadda Ankara oo kamid ah dowladaha shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya, boobkana kuhaya khayraadka wadanka, dhaqaalaheynana cuuryaamiyay.
War kasoo baxay madaxtooyada loog arrimiyo Dowladda Fedaraalka aya lagu sheegay in madaxweynaha Dowladda Fedaraalku uu kulmo gaar gaar ah la qaadanayo madax ka socota wadamada Aduunka, waxaana la filayaa in Xasan uu heshiisyo hor leh oo lagu xaraashayo wadanka la galo dowlado shisheeye.
Sido kale shirkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli dowladda Turkigu qorsheyneyso iney markaba la sheegay inuu shidaal qodayo usoo direyso Soomaaliya.