Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay, dib umagacaabista Mahad Salaad oo markale noqday Taliyaha Hey’adda Sirdoonka ee Dowladda Fedaraalka.
Cabdullaahi Sanbaloolshe oo horay xilkaan uhayay ayaa xilka laga qaaday, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku fashilmay hogaaminta hey’adda, Mahadka hadda lasoo celiyay ayaa waxa uu isana horay ugu fashilmay xilkaan.