Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka marqaati kacay, in Dowladda Federaalka aaney madax banaaneyn, qaraaraatka iyo go’aannadeeda masiiriga ahna u daba fadhiso Shisheeyaha maalgeliya.
Isagoo ka hor hadlayay kulanka Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud, in weli aaney u madax banaaneyn go’aannada ay qaataan, isagoo sheegay iney u gacmo hoorsadaan Shisheeyaha.