Magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobalka Hiiraan ayaa lasoo sheegayaa iney haatan ka taagan tahay xiisad dagaal, kadib markii ciidamo ay la wareegeen mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee maamulka la baxay Hirshabeelle uu ku leeyahay magaaladaas.
Ciidamo uu wato C/fataax Xasan Afrax oo ah gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ayaa si buuxda ula wareegay, xarunta Lama-galaay oo ku taalla magaalada Baladweyne, halkaasna ay ka saareen saraakiil ciidan oo katirsan maaamulka la baxay Hirshabeelle.
Dadka deegaaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhexqarxo dhinacyadaan is diidan ee ay xiisaddu ka dhex tolan tahay, waxaana lasoo warinayaa in qeybo kamid ah magaalada ay billaabeen sidii ay uga qaxi lahaayeen Baladweyne.