Saacadihii udambeeyay waxaa soo baxay warar la isla dhexmarayay oo ahaa iney Dowladda Fedaraalku dooneyso iney mar kale ku duusho Axamad Madoobe, iyadoo markan kasoo weerareysa dhanka gobolka Gedo oo uu Axmad Madoobe maalmo kahor umagacaabay gudoomiye cusub oo dhanka maamulkiisa ka socda.
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga Dowaldda Fedaraalka ayaa maalintii shalay diyaarad sidday waxay ka degtay degmada Garbahaarreey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo halkaasi uu kusoo dhoweeyay maamulka degmadaas ee lasafan Dowladda Fedaraalka.
In kastoo aysan qorshaheeda Shaacin Dowladd Fedaraalku, hadane waxay wararka soo ifbaxaya sheegayaan iney dooneyso ciidamo iyada ka socda oo ay geyso degmada Baardheere oo uu ka jiro maamul hoos taga Axmad Madoobe, waxaana durbaba wararka la helayo sheegayaan iney Dowladda Fedaraalka iyo wafdiga ay dirtay ku guudarreysteen iney ciidamoka dejiyaan Baardheere, maadaama maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi uu aqoonsan yahay maamulka la baxay Jubbaland ee Axmad Madoobe hogaamiyo.
Wararku waxay tilmaamayaan in qorshaha Dowladda Fedaraalku markan ay dooneyso iney ku huriso dagaal ka dhan ah Axmad Madoobe uu yahay mid fashilan.