Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsXiisad Kacsanaan ah oo Ka Jirta Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xiisad Kacsanaan ah oo Ka Jirta Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Baardheere ee gobalka Gedo, iyadoo saraakiil katirsan Dowladda Fedaraalka ay sheegeen iney magaalada ka saari doonaan askarta maamulka la baxay Jubbaland.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii magaaalada Baardheere ee gobalka Gedo ay ka dhaceen dagaallada culus ee u dhexeeyay Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaaland, ayaa waxaa lasoo warinayaa in xaalado amni ay ka taagan yihiin magaaladaas.

Sarkaal u hadlay Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, iney beegsan doonaan ciidamada katirsan maamulka la baxay Jubbalaand oo uu ku eedeeyay iney xilliyada habeenki ah roondo ka sameeyaan magaalada amni darrana ay sameeyaan.

Sidoo kale waxa uu ciidamada ku amaray ineysan xarumahooda ka bixi karin, ayna udiyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah maamulka la baxay Jubbaland.

Halkan kala deg Faafaahinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.