Monday, May 19, 2025
HomeAll NewsXiisad u Dhaxeysa Ciidanka PSF iyo Maamulka la Baxay Puntland oo ka...

Xiisad u Dhaxeysa Ciidanka PSF iyo Maamulka la Baxay Puntland oo ka Taagan Gaalkacyo.

Xiisad dagaal ayaa ka dhex taagan ciidamada PSF ee uu Mareykanku tababaray iyo maamulka la baxay Puntland.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta uu joogo maamulka la baxay Puntland ka dhacay, dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen ciidamadan kuwaasoo uu aadd uga soo horjeestay maamulka la baxay Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ugu magacaaban maamulkaasi ninka lagu magacaabo Faysal oo ka hadlay arrintan, ayaa sheegay in hogaanki ciidankan ay ku biireen Dowladda Fedaraalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, Galkacyana uyimaadeen iney ka sameeyaan sidii ay magaalada Boosaaso ka sameeyeen oo kale oo ah iney dagaal ku qaadaan maamulkooda.

Wuxuu ku eedeeyay ciidankan farangelin ay ku hayaan maamulka, isagoo sheegay ineysan aqoonsaneyn kana tirsaneyn mamaulkooda.

Halkaan ka Degso Warka Xiisadda Gaalkacyo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.