Degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa lasoo warinayaa iney kasoo cusboonaatay xiisad u dhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland.
Magaalada ayaa waxaa laga dareemayaaa dhaqdhaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, waxaana saacad waliba la filan karaa inuu dagaal ka dhex qarxo.
Xiisadda ayaa yimid timid markii hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland Axmed Madoobe lagu eedeeyay, inuu ciidamo dul dajiyay magaalada Baladxaawo, kuwaas oo ay la socdaan masuuliyiin katirsan maamulkiisa.