Waxaa wali cirka iskusii shareeraysa xiisada ka dhex aloosan dawladaha Bakistaan iyo Hindiya, kuwaas oo hanjaabaado adag hawada isku marinaya. Dowladda Hindiya ayaana soo rogtay awaamir ballaaran oo ay ku joojinayso badeecadaha laga soo dejiyo ama laga keeno dhanka Bakistaan, isla markaana mamnuucayso in maraakiibta Bakistaan ay ku soo xirtaan dekedaha Hindiya.
Ra’isul wasaaraha Hindiya ee Narendara Moodi ayaa war uu siiyay talefishinka dalkiisa ku sheegay, in Hindiya aysan soo gali karin badeecadaha laga keeno Bakistaan, maraakiibta dalkaasna aysan kusoo xiran karin dakadahooda, Isaga oo carbka ku adkeeyay inay ka go’antahay inay qaadaan talaabo ka dhan ah Islaama-Baad.
Dhanka kale, dawladda Bakistaan ayaa iyaduna soo saartay awaamir loogasoo hor jeedo wararka kasoo yeeray xukumada Niyuu-Dalhi, kuwaas oo ahaa in diyaaradaha ganacsiga iyo kuwa rakaabkuba aysan kusoo dagi karin garoomada dalka Bakistaan.
Arrinta ayaa sii fogaynaysa xiisada ka dhex taagan labadan dal ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka ee sida daran wax u gumaada, waxaana isasoo taraya hanjabaadaha ay is waydaarsanayaan, taas oo soo dadajin karta inuu qarxo dagaal adag oo dhex mara labada dal.
Xiisadan cusub ee ay labada dhinac xanibaadaha isku saareen ayaa kusoo beegmaysa iyadoo, shalay Sabtidii ay dawladda Bakistaan soo bandhigtay tijaabada gantaal balaastig ah, kaas oo masaafo ahaan gaari kara illaa 450 kiiloomitir.