Gobalka Tigree ee dalka Itoobiya waxaa ka taagan xiisado u dhexeeya masuuliyiinta maamulka TPLF, kuwaas oo maalmihii laasoo dhaafay ay soo xoogeysaneysay xiisadooda.
Kulan degdeg ah oo ay yeesheen golaha wasiirrada ee gobalka Tigree oo ay bayaan kasoo saareen ayay ku buriyeen, go’aan horay uga soo baxay taliyayaasha TPLF, iyagoo intaa ku daray ineysan sameyn karin wax tallaabo ah oo ka baxsan hey’adaha amaanka ee gobalka Tigree.
Go’aanka hore ayay ku sifeeyeen inuu yahay mid halis galinaya madiqadda, sidoo kalana sababi karo in amni darri baahsan ay lasoo daristo gobalkaas.