Xiisadda udhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland ayaa mareysa meel xasaasi ah, xilli saacadihii lasoo dhaafay labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin kala duwan oo sii horinaya khilaafka ka dhaxeeya.
Markan khilaafku waxaa saameyntiisa si weyn looga dareemayaa gobolka Gedo, oo uu ku sugan yahay islamarkaana ciidamo ku abaabulayo wasiirka amniga ee maamulka la baxay Jubbaland, kaasoo ku sugan degmda Dooloow sida wararku tilmaamayaan.
dhinac kale dowladda Fedaraalka ayaa hakisay duulimaadyadii shirkadaha diyaaradaha ee gobollada, kadib markii ay ka diideen iney ciidamadeeda daabulaan, halka ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh ay soo galeen wadanka.