Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsXildhibaan Hore oo Sheegay in Xasan Sheekh uu Fashilmay Xilkana Laga Tuuri...

Xildhibaan Hore oo Sheegay in Xasan Sheekh uu Fashilmay Xilkana Laga Tuuri Doono.

Sakariye Maxamuud Xaaji oo ah xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, in Xasan Sheeh ay dadka oo dhami la yaaban yihiin, halkii laga doonayay inuu wax ka qabto azmooyinka la dagay dowladdiisa oo ay ugu horreyso fashilka xagga amaankana uu badalkeeda ka doortay inuu ku mashquulo wax aan jirin oo lagu dhibaateynayo bulshada.

Bulshada Muqdisho ayuu sheegay iney ku jiri doonaan dhibaatada hadda heysata haddii aysan iska qaban madaxda lamidka ah Xasan Sheekh, oo uu sheegay iney yihiin kuwa dalka iibiyay oo doonaya iney Shisheeyaha u beylihiyaan.

Xildhibaannada ayuu dhanka kale sheegay iney yihiin kuwa dambiilayaal ah, Xasan Sheekhna ay iyagu keeneen iyagoo og dambiyo kala duwan oo uu horay ugalay oo ay ugu horreyso in dhulka Soomaali-galbeed uu u hibeeyay Xabashida Itoobiya, Soomaalida halkaas ku noolna uu sheegay iney Itoobiyaan yihiin.

Halkaaan ka Degso Warka Xildhibaanka Hore

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.