Xildhibaan horay uga tirsanaa maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa sheegay in laga hor istaagay safar uu ku tegi lahaa magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Ahmed Saney Mohamed oo dhawaan maamulka la baxay Hirshabeelle xilka qaadis ku sameeyay, ayaa laga hor istaagay inuu ka safro garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isaga oo ku wajahnaa Baladwayne.
Wuxuu sheegay in is hor istaagga ku aaddan safarkiisa ay ka dambeeyaan maamulka la baxay Hirshabeelle, ayna uga yeereen maxkamad.