Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya, in xildhibaan katirsan baarlamaanka dalkaas lagu toogtay, magaalada Nairobi oo ah caasimadda Kenya.
Boliska xukuumadda Nairobi ayaa xaqiijiyay, in mid kamid ah wadooyinka waaweyn ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi lagu toogtay, Charles Ongondo Were oo kamid ah baarlamaanka dalkaas.
Xalay fiidkii abaara 7:30 ayaa la toogtay xildhibaankaan katirsan baarlaamaanka Kenya, waxaana dilkiisa geystay 2 ruux oo saarnaa mooto laba lugaaley ah, sida ay warbaahintu kasoo xiganeyso dad goobjoogayaal ah.
Telefishinka TV-ga Citizen oo kamid ah warbaahinta ugu afka-dheer ee dalka Kenya ayaa sheegay, in mid kamid ah ragga hubeysan uu kasoo dagay mootada, isagoo rasaas huwiyay xildhibaanka, taas oo keentay inuu soo gaaro dhaawac halis ah oo uu ugu dambeyn ugeeriyooday.
Ninkaan la dilay ayaa waxa uu horay xubin uga ahaa xisbi uu hogaaminayay Raila Odinga, kaas oo looga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Kenya sanandkii 2022-kii oo uu ku guuleystey William Ruto, waxaana rabshado xilligaasi dhacay kasoo gaaray dhaawac.
Xogo la helayo ayaa tilmaamaya in xildhibaankaan uu mudooyinkii lasoo dhaafay la noolaa xaalado argagax leh, isagoona 2 bilood kahor shaaciyay inuu sugan yahay xaalad khatar ah, loona soo diray farriimo hanjabaado ah.
“Waa naxdin iyo murugo aad uweyn in uu isoo gaaro khabarka la xiriira dilka Ongondo Were, oo ah xildhibaan laga soo doortay deegaanka Kasibul, kaas oo uu dilkiisu ka dhacay waddada Ngong ee u dhow qolka lagu dhaqo meydadka ee Nairobi” ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Kenya.
Illaa iyo hadda majirto cid si rasmi ah usheegtay masuuliyadda dilkaan loo geystay xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Dowladda Kenya, waxaana uu dilkiisu kusoo aadayaa, iyadoo waayadii lasoo dhaafay ay dalka Kenya ka taagnaayeen xasarado siyaasadeed.