Saacadihii lasoo dhaafay waxaa beer ku taalla ismaamulka Kiambu ee dalka Kenya laga helay, George Koimburi oo ah xildhibaan katirsan Dowladda Kenya kaas oo la afduubtay kol soo horreysay.
Kooxo aan la garaneyn ayaa waxa ay maalin kahor xildhibaankaan kaa afduubteen afaafka hore ee Kaniisad ku taalla deegaan katirsan ismaamulka Kiambu ee dalka Kenya.
Xildhibaankaan ayaa waxa uu kamid yahay kuwa mucaaradka ku ah xukuumadda uu hogaamiyo William Ruto, waxaana falka lagula kacay cambaareeyay xubnaha mucaaradka ee dalka Kenya.