Mid kamid ah saraakiisha Dowladda Fedaraalka ee ku sugan gobalka Hiiraan ayaa waxa uu muujjyay, sida ay ugu jabeen dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanka Aboorrey ee duleedka magaalada Buuloburde.
Waxa uu sheegay in ay ku fashilmeen dib uqabsashada deegaanka Aboorreey, haddana ay taagan yihiin xaalad quus ah, isagoona tilmaamay in ciidamada Mujaahidiinta ee halkaas la wareegay ay yihiin naftood hurayaal aan dib ujeesaneyn.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu sheegay iney si adag udifaacanayaan deegaanka Aboorreey ayna adeegsanayaan hub casri ah.