Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo ah Xildhibaan kamid ah Dowladda Fedaraalka sido kalena kamid ah Siyaasi mucaaradka, ayaa sheegay in wadanka uu ku socdo dhaqaale burbur ay ugu wacantay Dowladda Fedaraalka.
Wuxuu sheegay in shirkadaha Turkida ee ku sugan garoonka diyaaradaha iyo dekadda iska daldashaan dhaqaalaha Somaaliya.
Bangi shisheeye ayuu sheegay in dalka yimid oo lacagaha kaashka ka ururiya wadankeena, isagoo dhanka kale xusay in ganacsatadii Soomaaliyeed ay dhaqaalahoodii la baxeen wadanka.