Bashiir Ameeriko oo kamid ah Xildhibaannada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in ay ku jiraan dagaal aan qorshe iyo istaraatiijiyad toona laheyd, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid ay ku dhamaanayaan ciidankooda.
Bashiir ayaa waxa uu sidoo kale qiray iney dalka ku hayaan dhibaatooyin kala duwan oo aan la dafirin karin, sida cadaalad darro, dhulboob iyo dhibaatooyin kale.