Thursday, May 22, 2025
HomeAll NewsXildhibaan Taabacsan Kenya oo Dad Rayid ah ku Weeraray Magaalada Gaarisa ee...

Xildhibaan Taabacsan Kenya oo Dad Rayid ah ku Weeraray Magaalada Gaarisa ee NFD.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha internetka aad ugu baahay, muuqaal laga soo duubay xildhibaan katirsan maamulka ay Dowladda Kenya ka dhisatay dhulka NFD, kaas oo Mindi ku weeraraya dad shacab ah.

Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Nuur Faarax ayaa waxa uu Mindi ku weeraray, dad rayid ah oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla magaalada Gaarisa, waxaana goobjoogayaan ay sheegeen in xilligii uu ninkaan weerarka fulinayay uu aad ucareysnaa.

Goobjoogayaal ayaa saxaafadda u sheegay, in Xildhibaankaan ay kolkii hore ay murmeen nin kale, taas oo keentay in uu Mindi lasoo baxo, markii uu waayay ruuxii la murmayayna uu isagoo careysan kusoo jeestay dadkii ku sugnaa maqaaxida.

Bolsiak Dowladda Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, iney wadaan baaritaanno ku aaddan weerarkaan uu geystay xildhibaanka lagu magacaabo Nuur Faarax, waxaana ay xoguhu intaasi ku darayaan in uusan weerarkaan geystay wax khasaare ah, maadaama ay dadku kawada carareen ninkaan markii uu Mindida lasoo aaday.

Halkaan ka Degso Warka Xildhibaanka Gaarisa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.