Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsXildhibaan Walaac ka Muujiyay Awodda Al-Shabaab iyo Fashilka Dowladda Fedaraalka.

Xildhibaan Walaac ka Muujiyay Awodda Al-Shabaab iyo Fashilka Dowladda Fedaraalka.

Mid kamid ah xildhibaannada ayaa wax laga xumaayo ku tilmaamay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegto degmooyin iyo deegaano horleh, isagoona dambi ku tilmaamay hadalkii Dowladda Fedaraalka ee ahaa iney xeelad millatari uga soo baxday goobaha qaar.

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-Nuug) oo katirsan Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, in uu aad uga xun yahay la wareegitaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee qaar kamid ah degmooyinka iyo deegaannada goballada dalka.

Waxa uu sidoo kale wax lala yaabo ku yilmaamay in Dowladda Fedaraalka goobaha lagu jabiyay ay sheegto iney xeelad dagaal uga soo baxday, taasna ay xaqiiqada ka fogtahay.

Xasan Sheekh ayuu sheegay inuu yahay nin raadiyo qof isaga oo kaliya amaano balse uusan rabin cidda qaladaadkiisa u sheegta, isagoo intaa ku daray in uu talada kaligiis isku koobay dowladdiisuna ay fashilantay oo ay kasoo hartay boobka hantida dadka.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tarayay xubnaha katirsan Dowladda Fedaraalka iyo siyaasiyiinta iyada taabacsan ee walaaca ka muujinaya masiirka dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh, waxa ayna si isku mid ah u sheegeen in haddii xaalku sidaan kusii socdo ay dhici doonto iney burburaan.

Halkaan ka Degso Warka Xildhibaanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.