Waxaa soo ifbaxay khilaaf udhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo tan Masar ee uu hogaamiyo C/Fataax As-Siisi, kaasoo in muddo ah laga qarinayay warbaahinta.
Warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid ee fadhigeedu yahay wadanka Ingiriiska, aadna wax uga qorta arrimaha Masar, ayaa shaacisay in hakad uu ku yimid dhaqan gelinta heshiis millateri oo udhaxeeyay Dowladda Fedaraalka iyo xukuumadda Al-Qaahira, kadib markii xiriirkoodu xumaaday.
Xasan Sheekh ayaa heshiisyo la galay dowladda Itoobiya oo Masar oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo, iyadoo uu qorshaha labada dowladood uyiilay ahaa iney xukuumadda Adis Ababa meel uga soo wada jeestaan faragelinta ay ku hayso labada dal, hase ahaatee uu ka baxay madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, waxayna isbedelkan Masar ku tilmaamtay mid lama filaan ah.