Sunday, July 6, 2025
HomeAll NewsXoghayaha NATO oo Sheegay In Ruushka Si aan Caadi Ahayn uu u...

Xoghayaha NATO oo Sheegay In Ruushka Si aan Caadi Ahayn uu u Hormarinayo Awooddisa Ciidan.

Xoghayaha guud ee NATO ninka lagu magacaabo Maark Rawaat ayaa shaaca ka qaaday, in isbaheysigiisa uu wajahayo caqabado joo-siyaasadeed oo aad u weyn, iyo in Ruushku uu dib u dhis xawli ah oo aan horay loo arkin taariikhda uu ku sameynayo awooddiisa.

Wareysi uu siiyay saxiifadda Niyuu-Yook Taymis, ayuu hogaamiyaha gaanshaan-buurta NATO ku sharaxay, in rasaasta uu Ruushku soo saaro saddex bilood gudahood ay saddex jeer ka badan tahay tan ay waddamada NATO soo saaraan sanadka oo dhan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay, in Ruushku uu kala shaqeynayo Kuuriyada Waqooyi, Shiinaha, iyo Iiraan wax uu ugu yeeray “dagaalka gardarada ah” ee ka dhanka ah Yukrayn.

Inkasta oo Mareykanku marar badan muujiyay inuu ka fiirsanayo sii wadidda xiriirka dhow ee uu la leeyahay isbahaysiga NATO, haddana xoghayaha guud ee NATO waxa uu xaqiijiyay, in Mareykanka ay ka go’an tahay isbaheysiga iyo qodobka 5-aad ee axdigiisa, kaas oo dhigaya in weerar kasta oo hubaysan oo ka dhan ah waddan waliba oo xubin ka ah isbahaysiga loo arko weerar ka dhan ah dhammaan waddamada xubnaha ka ah.

Xubnaha NATO ayaa bishii hore ballan qaaday inay kordhinayaan kharashaadka difaaca ee sanadlaha ah oo la isku daro boqolkiiba 5% ee wax soo saarka gudaha marka la gaaro sanadka 2035-ka.

Balse taasbadalkeeda, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa waqtigaasi ku goodiyay, in go’aanka xubnaha NATO ee ah inay kordhiyaan kharashka difaaca ay musiibo ku tahay isbahaysiga ayna ugu dambeyntii horseedi karto burburkiisa, waa sida huu hadalka u dhigaye.

Waxa uu intaasi ku daray wasiirka arimaha dibadda ee Ruushka, in go’aanka NATO ee lagu kordhinayo kharashka difaaca uusan si weyn u saamaynayn doonin ammaanka Ruushka.

Si kastaba ha ahatee dowladaha xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, gaar ahaan kuwa Yurub ee dariska la ah Ruushka ayaa wajahayo cabsi aad u wayn oo ay ka qabaan inuu weerar kadis ah kusoo qaado Ruushka, iyadoo warbaxinna dowladaha reer galbeedka ay sheegayaan, in Mosko ay qorshaynayso dagaal wayn oo ay la gasho waddamada Yurub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.