Xubno Ameerikaan ah oo ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya ayaa saadaaliyay in ay si fudud ku burburi doonto Dowladda Fedaraalka, haddii uu Mareykanku xiro safaaradda uu lu leeyahay xerada Xalane.
Falanqeeyayaal Ameerikaan ah ayaa waxa ay digniinno ka bixinayaa qorshaha uu ku howlan yahay maamulka Donald Trump ee ku aaddan, inuu aad u dhimo joogitaankooda siyaasadeed iyo midka amni ee Soomaaliya.
Warbixin uu baahiyay Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa diiradda lagu saaray, halista amni ee ka dhalan kara haddii uu Mareykanku albaabada isugu dhufto safaaradda uu ku leeyahay xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya, islamarkaana uu la baxo saraakiishiisa iyo pasaasiinta qeybta ka ah duullaanka ay Washington ka wado dalkaan.
Haddii ay xukuumadda Washington ka dhabeyso damaceeda ah in ciidankeeda iyo diblimaasiyiinteeda ay kala baxdo Soomaaliya, ayay warbixinta oo soo xiganaysa caddeymo ay bixinayaan khubarro amni iyo falanqeeyaal ka digaysa, in ay burburto Dowladda Fedaraalka oo xilligaan ku jirta marxalad kala guur ah.
Isfidintii ay sameysay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab afartii bilood ee lasoo dhaafay ayay tusaale usoo qaadaneysaa warbixinta uu baahiyay Wargeyska Washington Post, taas oo uu ku tilmaamay iney muujisay dacfiga iyo taagdarrida heysata askarta Dowladda Fedaraalka, xilli ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kulaalayaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.
“Hakinta maaliyadeed ee Mareykanku uu hadda ka sameeyay Soomaaliya waxay dhalisay dul-duleellno amni, oo jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa sedaxdii bilood ee u dambeeyay qabsaday degmooyin iyo deegaanno muhiim ah kuwaas oo kaabiga ku haya Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixinta uu baahiyay Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka.
Qeybaha dambe ee warbixinta uu baahiyay wargeyska ayaa lagu sheegay, in Mareykanku uu muddo rubuc qarni ah ku fashilmay sidii uu Soomaaliya uga hirgalin lahaa dowlad awood leh oo isaga taabacsan, ayna wax ku socdaan si badalan filashadiisa oo ah liidnaanta iyo hoobashada ku socota maamullada uu ka hirgaliyay dalka, halka uu geesta kale xusay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay awood ahaan sii xoogeysaneyso islamarkaana ay kasbatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay marar badan walaac ka muujiyeen Shisheeyaha kusoo duulay dalka.