Qoysas danyar ah oo ku dhaqan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen, xubno katirsan Dowladda Fedaraalka oo ay sheegeen iney si qasab ah uga barakicinayaan guryahooda.
Waxa ay sheegeen in xubnahaan ay doonayaan iney ka dhacaan dhulkooda, islamarkaana ay weerar kusoo qaadeen iyagoo awood adeegsanaya.
Waxa ay intaasi ku dareen in shaqsiyaadka dhibaatada ku haya ay burburin ugeysteen guryahooda ku yaalla degmada Boondheere iyo hantidii u tiillay guryahaooda.