Maxamuud Cali Saleebaan oo ah gudoomiyaha gobolka Togdheer ee maamulka labaxay SOomaaliland, ayaa sheegay in xubno katirsan maamulkaasi ay wadaan in si sharci darro ah ku qaataan dhul daaqsiin ku yaala gobolka Togdheer.
Wuxuu sheegay in shakhsiyaadkaas oo wata cagaf-cagafyo waaweyn, ay dhul daaqsiinkii xooluhu daaqi jiray banneeyeen, iyagoo doonaya iney beero ka dhigtaan, arinkaasi oo uu sheegay iney tahay mid aan la ogolaan doonin.