Dowladda Fedaraalka ayaa maalmihii tegay waxay gobolka Banaadir kawadday diwaangelin qori caaraddiis ah oo dadka lagu qasabayo, islamarkaana la afduubanayo si codeyn xoog ah looga qaado.
Waxay dadka kala degeysa gaadiidka dadweynaha iyadoo sido kale guryaha ugu gelineysay goobaha waxbarashadana isku weer ka qabaneysay, si dadka ay ugu qasabto mashruuca doorasho qof iyo cod ay ku sheegtay ee lagu diidan yahay.
Qaar kamid ah xubana mucaaradka oo kala ah Shariif Sheekh Axmad Madaxweynihii dowladdii ku meel-gaarka iyo Xasn Cali Kheyre Ra’iisulwasaarihii hore ee Dowladda Fedaraalka ayaa cambaareeyay tallaabadan ay ku dhaqaaqday xukuumadda Villa Soomaaliya, iyagoo masharuucaan doorashada qof iyo codka lagu sheegay gabi ahaanba kasoo horjeestay.
Xasan Cali Kheyre ayaa waxa lagu sheegay doorashada ku tilmaamay mid gacan ku sameys ah oo aan xaqiiqo ahaah jirin, islamarkaana ay Dowladda Fedaraalku dadka cabsigelin iyo qafaal ku hayso.
Shariif Sheekh Axmad ayaa sheegay iney tahay isdiiwaangelin hubeysan oo qori caaraddii ah iyo cadaadis iyo qasab bulshada lagu hayo.
Halkaan ka Degso Warka Mucaaradka