Saaka oo ku beegan maalinta sagaalaad ee bisha barakaysan ee Dulxajah ayay xujayda sanadkan gudana waajibka Xajka istaagayaan makaanka Carafa, kuwaas oo kasoo dhaqaaqay Mina iyaga oo u soo jihaysatay dhanka Carafa, halkaas oo ah meel ka mid ah goobaha ugu muhiimsan xajka, isla markaana ah rukniga ugu weyn ee kamida arkaanta Xajka.
Xujeydu marka ay gaaraan Carafa, waxay gudan doonaan waajibaadka ugu wayn maalintan oo ah istaagida Carafa ama Wuquuful Carafa, waxayna halkaas ku sugnaan doona illaa ay qoraxdu ka dhaco, iyagoo Alle xusaya, istiqfaarsanaya lana imaanaya cubuudiyo dhamaystiran.
Xujayda gudanaysa waajibkan ayaa maanta khudbada carafa ku dhagaysan doona masjidka Namira oo ah halkii uu Nabigu {SCW} ka jeediyay Khudbatul Wadaac. Marka qorraxdu dhacdo, ayay xujeydu ka dhaqaaqi doonaan banka Carafa, iyagoo u gudbaya Muzdalifa, halkaas oo ay u hoyan doonaan caawa.