Ku dhawaad 2 milyan oo Muslimiin ah ayaa kusii qulqulaya goobaha barakaysan ee magaalada Makka Al-Mukaramah, dadka ayaa iyagoo kala madab ah kala af ah waxay guda gelayaan acmaasha Xajka, waxa kaliya ee mideeya ayaana ah kalimadda Towxiidka.
Martida guriga Allaah ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya acmaasha xajka iyadoo ay tahay maalinta 8-aad ee bisha carafo.
Xujeyda Beytka Raxmaanka ayaa maanta u jiheysta dhanka Mina, si ay halkaas ugu soo gutaan maalinta Sideedaad ee loo yaqaano Yomu-Tarwiyah.
Maalinimada berri ah waxay Xujeydu gudan doonaan Rukniga ugu weyn ee Xajka, Nabiga Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasalama ayaa yiri “Xajku waa carafo” taasi oo ay culimadu ku fasireen in acmaasha ugu weyn ee Xajka ay dhacayaan maalinta Carafo.
Dadka sanadkaan xajinaya waxaa kamid ah masuuliyiin katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaan, waxaana masuuliyiintaan oo qaarkood ay ka socdaan wasaaradda Awqaafka iyo xajka ay dadka Afghaaniyiinta ah kaga sii hoorreeyeen Xajka.
Sheekh Nuur Maxamed Thaaqib oo ah wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Xajka ee Imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaan ayaa booqday, teendhooyin ay Imaaradu u diyaarisay Xujeyda Afghaaniyiinta ah, kuwaas oo sannadkaan si qurux badan u gudanaya waajibaadka Xajka.
Tani ayaa waxa ay soo jiidatay indhaha caalamka, waxaana reer Afghaanistaan ay noqonayaan dadka ugu marti qaadka wanaagsan ee sanadkaan gudanaya waajibaadka Xajka, iyadoo ay Imaaradu sheegtay in dadkaasi ay udhameystiran yihiin dhammaad khadamaadka xajka inta lagu guda jiro Acmaasha xajka ee ay gudanayaaan.