Wednesday, July 9, 2025
HomeUncategorizedXukuumadda Shiicada ee Iiraan oo Beenisay Hadal Kasoo Yeeray Dowladda Mareykanka.

Xukuumadda Shiicada ee Iiraan oo Beenisay Hadal Kasoo Yeeray Dowladda Mareykanka.

Madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa dhawaan shaaca ka qaaday, in Iiraan ay dooneyso wada-xaajood ay la gasho Washitoon, isaga oo isla markaana tilmaamay, in wadahadalku uu yahay mid qorsheysan balse aan la cayimin taariikhda iyo goobta.

Taraam oo hadalkiisii sii wata ayaa sidoo kale yiri, “Waxay rabaan inay nala kulmaan, waxay doonayaan xal, hadda aad ayay uga duwan yihiin sidii ay ahaayeen laba toddobaad ka hor.” Ayuu Doonal Taraam mar uu Aqalka Cad kulan kula qaadanayay Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benyamiin Netanyaahu

Balse taas badalkeeda, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, ninka lagu magaacaabo Ismaaciil Baqaa’i, ayaa beeniyay hadalladan, isagoo xaqiijiyay, in uusan jirin wax codsi ah oo ku saabsan kulan oo ay u gudbiyeen dhinaca Maraykanka.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araqji ayaa ku celiyay, in Tehraan aysan marxaladan diyaar u ahayn wax wada-hadal ah oo ay la yeelato Mareykanka.

Arintaan ayaa imaanayso, iyadoo dhawaan mawqica Ameerikaanka ah ee Aksiyoos uu shaaca ka qaaday, in Yahuudda ay ku talo jirta weerarro ay markale ku qaado xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan, waa haddii ay dareento saansaan ah, in Tehraan ay markale dib boorka uga jafayso xarumaheeda bacriminta Yuraniyomka, taas oo u suurta galin karta inay ku biirta safka dowladaha ku hubaysan hunka Nukliyeerka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.