Xukuumadda Fedaraalka ee uu hogaamiyo Xamse Cabdi Barre ayaa shalay isku shaandheyn ku sameysay qaar kamid ah wasiiradda Dowladda Fedaraalka, iyagoo xilalkii ay horay u ahayeen laga qaaday loona magacaabay kuwo cusub.
Illaa labo wasaaradood iyo xafiiska ra’iisulwasaare ku xigeenka labaad ee xukumaadda Fedaraalka, ayey saameysay magacaabistan iyo xilka qaadista, waxaana jagooyinkii loo kala bedelay xubnihii mas’uuliyiinta ka ahaa wasaaradahan iyo xafiiska ra’iisulwasaare ku xigeenka labaad.
Afhayeenka Ra’uusulwasaaraaha Dowladda Fedaraalka Farxaan Jimcaale ayaa ku dhawaaqay arrintan, wuxuuna sheegay magacyada xubnaha cusub ee xilalka loo magacaabay.
Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa amar ku siiyay Xamse Cabdi Barre inuu qaado tallaabadan, waxayna dadka xog ogaalka ah ee katirsan xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho sheegayaan, in xilka qaadistan ay uhorseedeyso dhibaato iyo dib udhac, sida ay hadalkooda udhigayaan.