Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsXuuthiyiinta oo Maanta Duqaymo ku Garaacday Dhulka ay Yahuuddu Gumeysato.

Xuuthiyiinta oo Maanta Duqaymo ku Garaacday Dhulka ay Yahuuddu Gumeysato.

Kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka dhow la leh dawladda Iiraan ayaa  weerar loo adeegsaday gantaal balaastig ah ku qaaday dhulka uu maamulka Yahuuddu xoogga ugaga haysto Falastiin, sida ay sheegeen warbaahino caalami ah, duqayntan ayaa kusoo beegantay, iyada oo la shaaciyay furitaanka garoonka caalamiga ah ee magaalada Sanca kaddib 10 maalmaad oo uu u xirnaa duqaymo ay Yahuuddu ku garaaceen.

War kasoo baxay maamulka Yahuudda oo looga  hadlay weerarkan ayaa lagu sheegay, in ciidamada Yahuuddu ay qabteen gaantaal lagasoo tuuray dhanka Yaman subaxnimadii hore ee maanta, taas oo qeyb ka ah weerarrada sii kordhaya ee ay Xuutiyiinta Yaman ku hayaan Yahuudda, kaddib markii diyaaradaha Yahuuddu ay duqaymo xiriir ah ka gaysteen dhulka ay kooxdaasi ka maamusho Yaman.

Weerarkan ayaa khalkhal amni ka abuuray gudaha Yahuudda, iyada oo inta badan magaalooyinka maamulka Sahaayinada laga maqlay siiriga digniinta xiliga uu gantaalku soo galay hawada dhulka ay Yahuuddu xoogga ku haysato ee Falastiin.

Dhanka kale, garoonka caalamiga ah ee magaalada Sanca ayaa dib u furmay shalay Sabtidii, kaddib 10 maalmood oo uu hakad ku yimi dhamaan duulimaadyadii ka hawlgali jiray garoonkaas, arrintan ayaana ka dhalatay duqaymo culus oo ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen garoonka, taas oo keentay in kaabayaasha garoonka uu soo gaaro burbur xooggan oo saameeyay isusocodkii duulimaadyada.

Wasiir ku-xigeenka gaadiidka ee maamulka Xuutiyiinta, Yaxya Al-Sayaani, ayaa ku dhawaaqay in dib u furista garoonka caalamiga ah ee Sanca ay ka turjumayso fariin cad oo ku socota Yahuudda, isaga oo sheegay in garoonka hadda uu si buuxda u shaqaynayo.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa horay u shaacisay in weerarradii ay Yahuuddu ku beegsadeen garoonkan uu sababay khasaare maaliyadeed oo aad u balaaray, iyaga oo qiyaas ahaan sheegay in hanti gaaraysa illaa Nus Billyan Doollar ay ku burburtay, taas oo dhulka la sintay kaabayaashii garoonka iyo xarumo rayid ah oo ka agdhawaa garoonka.

Yahuudda ayaa duqaymo xiriir ah ka wada dhulka ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yaman, kuwaas oo aan kala soocayn xarumaha Xuutiiinta iyo xaafadaha ay dagan yihiin dadka rayidka ah, waxaana duqaymahan ku dhintay boqolaal qof oo shacab ah tan iyo markii uu bilowday duulaanka ay Yahuuddu ku hayaan dalka Yaman.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.