Tuesday, April 29, 2025
HomeAll NewsXuuthiyiinta oo Sheegay Iney Beegsadeen Markan uu Mareykanku Leeyahay.

Xuuthiyiinta oo Sheegay Iney Beegsadeen Markan uu Mareykanku Leeyahay.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqday, inay beegsatay markabka diyaaraha xambaara ee Mareykanka ee lagu magacaabo Turuumaan, kaas oo marayay badda cas, sida uu sheegay afhayeenka rasmiga ah ee Xuutiyiinta ninka lagu magacaabo Yahya Sariic.

Yahya ayaa hadal uu ka jeediyay taleefishinka ku yiri “Ciidamadeena ayaa qaaday howlgal ballaaran oo militari oo ay ku bartilmaameedsadeen markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka iyo maraakiibta dagaalka ee xiriirka la leh ee ku sugan waqooyiga Badda Cas.

Waxa uu intaasi raaciyay, inay markabkaas iyo kuwa xiriirka la leh ay ku weerareen tiro gantaallada Balaastikada ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, isagoona xusay, inay arintaasi jawaab u tahay weerarrada uu Mareykanka ka fulinayo goobaha ay ka maamulaan Yaman.

Taas badalkeeda, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegay, in mid ka mid ah badmaaxahooda uu soo gaaray dhaawac fudud kadib markii diyaarad dagaal oo nooca F-18 ah ay ku dul burburtay mid ka mid ah maraakiibtooda diyaaradaha xambaara ee marayey badda cas, iyagoo aanan cadaynin sababta keentay inay burburto diyaaradaas.

Sarkaal Ameerikaan ah oo la hadlay warbaahinta ayaana shaaca ka qaaday, in diyaaradaasi ay ku dul burburtay markabka Mareykanka ee diyaaraha xambaare ee Turuumaan, xilli uu ku howlanaa markabkaas sidii uu uga fogaan lahaaa gantaallada Xuutiyiinta.

Markabkaas ayaana ka qayb qaadanaya duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo kooxda Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iiraan ee Yaman.

Mana jiraan ilo ka madaxbanaan labada dhinac oo xaqiijin kara xiriirka ka dhaxeeya labadan dhacda, iyadoo Mareykan uu badanaa ku andacooda, in diyaaradaha laga soo rido ay iskood u burbureen.

Si kastaba ha ahaatee umuurahaan, ayaa kusoo beegmayo, iyadoo TV-ga Al Masirah ee taabacsan Xuuthiyiinta uu sheegay, in 68 qof ay ku nafwaayeen, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii uu Mareykanka uu duqeymo la dhacay xarun lagu haayay dad tahriibayaal ah oo ku taalla magaalada Sacda ee waqooyiga Yaman, sida uu sheegay afhayeenka Xuuthiyiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.