Saturday, April 12, 2025
HomeAll NewsXuuthiyiinta oo Waqooyiga Badda Cas ku Weeraray Markab uu Mareykanku Leeyahay.

Xuuthiyiinta oo Waqooyiga Badda Cas ku Weeraray Markab uu Mareykanku Leeyahay.

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii Jimcaha inay fuliyeen howlgal milateri oo oo ay ku bartilmaameedsadeen markabka diyaaradaha xambara ee Harry S.Truman ee laga leeyahay dalka Maraykanka, kaas oo marayay waqooyiga Badda Cas, Kooxdan ayaa sheegtay inay hawgalkan u adeegsadeen tiro gantaallo ah iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxya Sariic  ayaa bayaan muuqaal ah oo uu soo saaray ku sheegay, in ciidamadiisu ay weerar xooggan la beegsadeen markabka Truman, waxa uu sidoo kale tilmaamay in hawgalkan uu jawaab u yahay duulaanka Mareykanka ee Yemen, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta Maraykanka ee ku sugan gobalka.

Dhinaca kale, diyaaradaha Maraykanka ayaa barqanimadii maanta duqeymo isdaba joog ah ku qaaday goobo la deggan yahay iyo beeralayda magaalada caasimadda ah ee Sanca. TV-ga Al-Masiirah ee taabacsan Xuuthiyiinta ayaa sheegay, in 5 duqeymo oo dhanka cirka ah lala beegsaday degmada Bani Xashish ee bariga Sanca, waxaana duqeyntaasi ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray hanti dadweyne.

Diyaradaha Maraykanka ayaa dalka Yemen ka gaystay boqolaal duqeymo ah tan iyo 15-kii bishii March ee ina dhaaftay, kuwaas oo sababay dhimashada 116 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 224 kale oo ay ku jiraan haween iyo caruur, sida ay sheegeen kooxda Xuutiyiinta ee xiriirka la leh dawladda Iran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.