Maalintii shalay oo Talaado ahayd kooxda Xuuthinyiin ayaa ku dhawaaqay iney beegsadeen, Markab watay calanka dolwadda Baanama oo siday shixnado aan la cadeyn waxa ay yihiin.
Xuuthiyiintu waxay sheegeen iney gentaallo balastik ah iyo kuwa loogu talagalay badda ku beegsadeen markabkan, iyagoo intaas ku daray inuu ka dhego adeegay dingiin ay siiyeen malleeshiyada uqaabilsan dhanka badda.
Markabkan ayaa kahor inta aan la beegsan wuxuu horay digiin uga helay maalintii Isniinta, xarun qaabilsan macluumaadka badda, waxaana loo sheegay inuu kalleexdo halka u uku socdo, hase ahaatee hadalkaasi dhegjalax umasiin wuxuuna siiwatay socodkiisii, isagoo markii dambe kusoo dhacay kamiinka malleeshiyada Xuuthiyiinta, halkaasi ayaana lagu beegsaday.
Xuuthiyiintu waxay warkooda ku xuseen in markabka waxyeello soo gaartay, gentaalladu ay uhaleeleen si toos ah.
Malleeshiyaadka Xuuthiyiin ee ka dagaallam dalka Yaman, ayaa laf dhuugashay ku noqday maraakiibta adeegsada badda Cas, waxayna marar badan gubeen maraakiib marayay halkaasi.