Monday, May 19, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo 3 Maalmood Gudahood Marinka Qazza ku Dishay Dad ku Dhaw...

Yahuudda oo 3 Maalmood Gudahood Marinka Qazza ku Dishay Dad ku Dhaw 300 oo Ruux.

Ciidamada guumaystaha Yahuudda ayaa tan iyo waaberigii saaka sii waday duqeymaha ay ka geysanayaan gooba kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza, iyadoo dhaqaatiirta Marinka Qazza ay sheegayaan, in hal qof uu ku shahiidayo marinka Qazza 15-kii daqiiqaba.

Bartamaha iyo koonfurta marinka Qazza ayaa waxaa maanta barqadii ka dhacay duqeymo sababay shuhada iyo dhaawaca dad fara badan oo rayid ah. Ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza ayaa ku waramay, in 5 qof oo shacab ah ay ku shahiideen tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.

Sidoo kale, gumaystaha Yahuudda ayaa duqeeyay guri ku yaalla magaalada Cabasaan Al-Kabiirah oo dhanka bari kaga beegan Khaan Yuunis, waxaana duqeymahaasi ku shahiiday hal qof oo rayid ah, halka 9 kalana  ay ku dhaawacmeen. Xogaha ayaa intaasi ku darayo, in hal qof uu ku shahiiday, afar kalana ay dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay teendho ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Banii Suhayla ee koonfurta marinka Qazza.

Bartamaha Marinka Qazza, weriye kasoo warama halkaas ayaa soo sheegay, shahiidka saddex qof oo shacab ah, kuwaas oo ku baxay duqeyn ay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuuddu la beegsatay teendho ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka mukhayyamka Nuseeyraad ee bartamaha marinka Qazza. Iyadoo intaasi lagu darayo, Saddex qof oo isku qoys ah oo ku shahiiday duqeyn cirka ah oo ay diyaaradaha gumaystaha Yahuuddu ku qaadeen guri ku yaalla magaalada Dayrul Al-Balax.

Mandiqadda Yarmuuk ee bartamaha Qazza, waxaa ku shahiiday laba qof oo rayid ah, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Yahuuddu ay duqaysay teendho ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla mandiqadaasi.

Duqeymaha xooggan ee ay Yahuuddu ka waddo  Marinka Qazza ayaa waxaa ku shahiiday 162 qof oo rayid ah, halka tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen tan iyo waaberigii shalay oo Axad ahayd.

Mid kamida hawlwadeennada caafimaadka ee ka hawgalo xaydaabka go’doonsan ee Qazza oo lagu magacaabo Marwaan Al-Hims, ayaa u sheegay warbaahinta Al-Jaziira, in ku dhawaad ​​500 oo qof oo rayid ah ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku shahiideen gudaha marinka Qazza, tiradaas oo u dhiganta, in hal qof uu shahiidayay 15-kii daqiiqaba.

Arintaan ayaa kusoo aadayso, iyadoo warbaahinnada Yahuudda ay tabinayeen, in ra’iisul wasaaraha kayyaanka Yahuudda Binyamiin Netanyaahu galabnimadii Aaxadda uu ansixiyay, in kamiyaad gargaarka bini’aadannimo ah loo ogalaada inay galaan Marinka Qazza, kadib  78 maalmood oo marinka Qazza uu ku hayay gaajaysin iyo xisaar dhan walba ah.

Bayaan uu soo saaray xafiiska Netanyaahu ayaa lagu yiri: ” Israa’iil waxay ogalaatay, in qadar cunto ah la galiyo marinka Qazza”. Isagoo aanan faahfaahin dheeraad ah ka bixinin waqtiga rasmiga ah ee gargaarkaasi la fasaxayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.