Monday, July 7, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Duqaymo Cusub ku Garaacday Dakaddo ku Yaalla Dhulka ay Xuutiyiintu...

Yahuudda oo Duqaymo Cusub ku Garaacday Dakaddo ku Yaalla Dhulka ay Xuutiyiintu ka Joogaan Yaman.

Diyaaradaha Yahuudda ayaa xalay saqdii dhexe duqaymo xiriir ah ka fuliyay gobollo kala duwan oo ka tirsan dalka Yaman, kuwaas oo lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaalla dhulka ay maamusho kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalkaas. Duqeymahan ayaa kusoo beegmay kaddib markii ay Yahuuddu soo saartay digniin degdeg ah oo ku socotay dadka ku dhaqan goobahaas, iyada oo sheegtay in halkaas laga wado howlo milatari oo halis ku ah Yahuudda.

Weerarradan oo dhacay xalay, ayaa lagu garaacay saddex dekadood oo muhiim ah oo ay kamid yihiin dekedaha Al-Xudaydah, Ras-ciisa iyo Saliif iyo sidoo kale xarun koronto oo ku taalla aagga Ras-Kathiib ee magaalada Xudaydah. Sida ay sheegayaan warbaahinta Xuutiyiinta, duqeymahaas ayaa sababay qaraxyo waaweyn oo laga maqlay inta badan magaalada Xudaydah.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahino caalami ah ayaa sheegay, in goobo kala duwan oo magaalada Xudaydah ah uu dab xooggan qabsaday, isla markaana ay cirka isku shareertay uuro madow, taas oo muujinaysa khasaaraha xooggan ee gaaray goobaha la beegsaday.
Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay, in weerarradan ay yihiin fal-celin toos ah oo ka dhan ah duqaymihii isdaba joogga ahaa ee ay Xuutiyiintu ku beegsadeen Yahuudda mudooyinkii u dambeeyay.

Muuqaallo lagu baahiyay mareegaha Intarneetka ayaa muujinaya, in duqaymahan ay yihiin kuwii ugu cuslaa tan iyo markii ay Yahuuddu beegsatay xarumaha saliidda ee dakadda Xudeydah bishii Luulyo 2024-kii, xilligaasi oo in ka badan 30 gantaal ay Diyaaradaha Yahuuddu ku garaaceen dakadda.

kooxda Xuutiyiinta ayaa dhankeeda sacado kaddib sheegtay, in ay qaadeen weerar loo adeegsaday sawaariikh balaastig ah, kuwaas oo ay ku beegsadeen dhulka uu maamulka Yahuuddu ka arimiyo ee Falastiin, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Bin Gooriyaan. Inkasta oo ay Yahuuddu sheegtay soo ridida Labo gantaal oo lagasoo tuuray dhanka Yaman.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.