Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Yahuudda ayaa barqanimadii maanta beegsaday xarumo ku yaalla magaalada Xawlaa ee dhacda koonfurta Lubnaan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Xizbullaah ee ka dagaalanta dalkaas, ciidamada Yahuudda ayaana sheegtay, dilka xubin ka tirsan kooxdaas.
Illo goob-joog ah ayaa warbaahinta u sheegay, in weerarkan cusub uu dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, taas oo dhalisay xaalad amni oo halis ah. Magaalada Xawlaa ayaana mudooyinkan dambe noqotay goobta ay ka dhacaan hawgallada ugu badan ee ay fuliyaan diyaaradaha Yahuudda, iyadoo dadweynaha halkaas ku nool ay cabsi badan ka qabaan in duqaymuhu ay kusii fidaan deegaanada ka agdhow magaalada.
Cidamada Yahuudda ayaa horay baaqyo usoo saaray iyaga oo ku dhawaaqay, in ay bartilmaameedsan doonaan xubno ka tirsan Xizbullaah oo ku sugan deegaanka Qacqaciyatu-Jisr, warar isasoo taraya ayaana sheegaya, in Yahuuddu ay ku dhawaaqday dilka xubin sare oo ka tirsan mas’uuliyiinta kooxda Xizbullaah.
Bayaan kasoo baxay taliska Yahuudda ayaana lagu sheegay, in ay diyaaradaha ciidamada Yahuuddu duqayn ku beegsadeen taliyihii ugu sareeyay ee gobolka Qabriikhaa, dilka ninkan oo ay Yahuuddu shaaciyeen shalay Arbacadii ayaa dhabar jab wayn ku ah kooxdan, kuwaas oo isbuucyadii u dambeeyay laga dilay mas’uuliyiin sarsare.
Dhanka dawladda iyo kooxda Xusbullaah ayaana wax war ah kasoo saarin arrinta, kaas oo ku saabsan sheegashada ciidamada Yahuudda, in kastoo dad goob-joogayaal ah ay warbaahinta u xaqiijiyeen duqaynta ay fuliyeen diyaaradaha Yahuudda, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawac dad ku sugnaa goobaha la beegsaday.
Kooxda shiicada ah ee Xusbullaah ayaa wajahaysa burbur xooggan, kaddib markii la dilay hogaamiyeyaashii ugu sareeyay, taas oo niyad jab xooggan ku keentay iyaga oo ugu damabayn isku dhiibay maamulka kayaanka Sahaanida. Dawladda Maraykanka oo garab ka helaysa xukuumada Lubnaan ayaa dadaal adag ugu jirta sidii hubka looga dhigi lahaa kooxda Xizbullaah.