Gumaystaha Yahuudda ayaa duqeymo ay dad aad ufarabadan shuhado iyo dhaawac ku noqdeen saacadii lasoo dhaafay ka fuliyay marinka go’doonsan ee Qazza, iyadoo ururrada caafimaadka aduunka ay ka qaylo dhaaminayaan xaalladda caafimaad ee marinka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramaya, in afar qof ay ku shahiideen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Yahuudda la beegsatay guri ku yaalla deegaanka Bani Suhaylaa ee Bariga Magaalada Khan Yuunis, ee koonfurta Marinka Qazza, iyadoo intaasi lagu darayo, tiro kala oo la ’la’yahay kuwaas oo la rumaysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha la beegsaday. Duqeymahaas ayaana tirada dadka ku shahiiday magaalada Khan Yuunis tan iyo waaberigii maanta ka dhigaysa illaa 7 ruux oo shacab ah.
Sidoo kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ayaa duqeymo la beegsaday teendho ay dagan-yihiin qoys Falastiini ah ku taalla deegaanka Al Mawaasi ee galbeedka Khan Yuunis, waxaana halkaasi ku shahiiday Aabihii iyo hooyadii qoyskaas.
Warar ayaa intaas ku daraya, in shan qof oo shacab ah ay ku shahiideen weerar cirka ah oo uu gumaystaha Yahuudda ku qaaday guri ku yaalla Magaalada Bayt Lahiya ee waqooyi Marinka Qazza.
Waxaa sidoo kale, duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda ka geysteen xerada Nuseyraat ee Bartamaha Marinka Qazza ku shahiideen afar qof, iyadoo dad goobjoogayaal ah ay tibaaxeen, in qaar ka mid ah goobaha ay bartilmaameedsanayaan ciidamada Yahuudda ee bartamaha Marinka Qazza ay horay ugu sifeeyay aagag nabdoon.
Tirade dadka uu gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ku xasuuqay Marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay ayaana gaartay 37 qof oo rayad ah, halka duqeymaha cirka iyo madaafiicda ay ku sii kordhayaan xaafadaha bariga iyo bartamaha Qazza, iyadoo ku soo beegantay xilli ciidamada guumeysiga Yahuudda ay gudaha u galeen duleedyada xaafadaha Shujaaciyah iyo Atuffax ee kawada tirsan magaalada Qazza.
Arimhaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ururrada caafimaadka ee aduunka ay aad uga digayaan xaalladda caafimaad ee marinka, maadaamaha gumaystaha uu burburiyay dhamaan adeegyadii caafimaadka ee halkaas, isagoona ishortaagaya inay soo galaan kuwa kale.
Mid kamida ururadaas ayaana sheegay, in xaaladda caafimaad ee Marinka Qazza ay tahay mid laga naxo, ayna dadka marinka la ildaran yihiin dhammaan noocyada cudurrada faafa, kuwa daba-dheeraada iyo dhaawacyada kasoo gaaray duqeymaha maamulka Yahuudda.