Tan iyo markii talada Laga tuuray maamulkii Nuseyriyada ee mudada dheer ku amar ku taagleynayay dalka Suuriya, waxay Yahuudda oo lagu yaqaan cadawgtooyada ay u qabaan Muslimiinta billaabeen falalkii gurracnaa ee looga bartay, waxayna duqeeyeen magaalooyin badan oo katirsan wadanka Suuriya maalmihii iyo habeennadii lasoo dhaafay.
Meelaha ay duqeymaha ka geysteen waxaa ugu horreysay islamarkaana kolkii horaba ay ku billaabeen magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, iyo magaalooyin kala oo ay kamid tahay Al-Diqiyah oo ay kooxaha kacdoon wadayaashu shalay la wareegeen, magaalada Suweydaa, iyo Darca intaba.
Waxaysi gaar ah ubeegsanayaan keydadka hubka, garoomada iyo dekadaha, shalay ayey duqeeyeen dekadda magaalada Al-Diqiyah.
Duqeymuhu ma ahan kuwo kala joogsi leh, Wuxuu il wareed katirsan amniga Yahuudda maalintii shalay warbaahinta la wadaagay, iney 250 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Suuriya, weerareen tan iyo markii uu dhacay nidaamkii Bashaar.
Waxaa intaasi barbar socda dhul ballaarsiga Yahuuddu ay waddo oo ka socda dhanka buuraha Al-Jowlaan oo ay waagii horba xoog ku heystay islamarkaana katirsan Suuriya, waxayna taan billaabeen iney la wareegeen meelo cusub oo ay kamid tahay jabal As-Sheykh iyo madiqad lagu yaqaan gaaska oo ku yaal isla wadanka Suuriya.