Gumaystaha Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado gumaadka iyo isir-sifaynta ka dhanka ah shacabka marasta ah ee ku nool marinka go’doonsan ee Qazza, iyadoo aysan wali natiijooyin wax ku ool ah kasoo bixin wada-xaajoodyada muqaawamada Falastiin iyo Yahuudda uga socda dalka Qadhar.
Tan iyo waabarigii maanta oo Axad ah, guumaystaha Yahuuddu waxay bilaabeen duqeymo isdaba joog ah oo xagga cirka ah iyo madaafiic ay ku garaaceen magaalooyinka Khaan Yuunis iyo Qazza, iyo xerada qaxootiga ee Nusayraat ee bartamaha marinka Qazza.
Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaana ku waramay, in duqeymahaasi ay ku shahiideen 19 qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen, tiro kale oo iyagana ah rayad aan waxba galabsanin.
Geesta kale, Shan askar Yahuud ah ayaa sabtidii lagu dhaawacay saddex dagaal oo kala duwan oo ka dhacay marinka Qazza, halkaas oo ay muqaawamada Falastiin ka wadaan macaarik ay ku dhiig-bixinayaan ciidamada cadawga Yahuudd ee caadaystay daadinta dhiigga dadka rayidka ah.
Wargeyska Yadiicood Axroonood ee ka soo baxa dhulka ay Yahuuddu gumaysato ayaa sheegay, in 5 askari ay ku dhaawacmeen dagaallo kala duwan oo ka dhacay marinka Qazza, isagoo xusay wargeyska, in dadka dhaawacmay uu ku jiray Injineer milateri, kaas oo qarax lala beegsaday gaarigiisa oo marayay magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.
Halka afarta kale ee askari ay ku dhaawacmeen dagaallo iyaga iyo muqaawamada Falastiin ku dhexmaray duleedka xaafadda Azzaytuun ee ka tirsan magaalada Qazza, ee woqooyiga marinka Qazza.
Umuurahan ayaa imaanaya, iyadoo wali ay socdaan wada-xaajoodyada u dhaxeeya muqaawamada Falastiin iyo gumaystaha Yahuudda, ilo wareed Falastiini ah ayaana warbaahinta u sheegay, in wada-hadallada Dooxa, oo bilaabmay Axaddii, ay wajahayaan turunturooyin iyo dhibaatooyin adag, sababo la xiriira kayyaanka Yahuudda oo ku adkaysanayo khariidadda ka bixitaanka ciidamadiisa oo uu soo bandhigay Jimcihii, taas oo baalmarsan qodabada heshiiska.