Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Duqeymo ka Geystay Qazza iyo Sahaayinada oo Lagu Weeraray Casqalaan.

Yahuudda oo Duqeymo ka Geystay Qazza iyo Sahaayinada oo Lagu Weeraray Casqalaan.

Maamulka Yahuudda ayaa halkiisa kasii wada duqeymaha cadawtooyo ee u uku gumaadayo ehelkeyna Qazza, tirada shuhadada iyo dhaawacyada ayaana ah mid marba marka xiga isaga soo tareysa.

Sida ay dadku ugu shahiidayaan duqeymaha waxaa kaliya oo laga garankaraa, saakay subixii duqeymo ka dhacay dhowr goobood oo katirsan Marinka Qazza waxaa ku shahiiday 9 ruux.

Marka aan u imaano duqeymihii dhacay saakay wixii ka horreeyay, wuxuu gumeystaha Yahuuddu gumaad wuxuushnimo ka geystay magaalada Qazza gaar ahaan xaafadda At-Tuffaax.

Halkaasi, waxay ciidanka Yahuuddu ku garaaceen duqeyn madaafiic ah, waxana ku shahiiday 11 ruux oo ay ku jiraan 5 caruur ah, tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada oo ah kuwa aad ubadan ayaa la geeyay isbitaalka Al-Macmadaani ee ku yaalla Jiidda Qazza, waxaana halkaasi lagula tacaalayaa xaaladooda caafimaad.

Muuqaal laga soo duubay gudaha isbitaalka ayaa muujinaya mashquul aad ufarabadan oo halkaasi ka jira, taasoo laga dheehankaro tirada dadka dhaawacyadu gaareen.

Dhanka kale muqaawamada Falastiin ayaa tiro gentaallo ku garaacay garaacay qaar kamid ah degaanada ay xoogga ku haystaan Yahuudda.

Sawaariikhdaasi inta la ogyahay waxaa ka dhashay dhaawacyo iyo bubur baaxadleh oo soo gaaraay goobihii ay ku dhaceen, waxaana kamid ah magaalada Casqalaan ee ku hoos jirta gumeysiga Yahuudda.

isku soo wada duubo xasuuqa ay Yahuuddu kawaddo Marinka Qazza ayaa ah mid sii kordhaya marba marka ka dambeysa, shuhadada iyo dhaawayaduna waxay sii marayaan kumanaan ruux.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.